XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa fariin hambalyo ah u diray kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, kadib markii uu xulka dalkiisa ku hoggaamiyay hanashada koobka UEFA Nations League.
Ronaldo, oo 40 jir ah, ayaa dhaliyay goolka barbaraha ee muhiimka ahaa kulankii kama dambeyska ahaa ee ay Portugal la ciyaartay Spain Axaddii, kaasoo ka dhacay garoonka Allianz Arena ee Munich. Ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbaro 2-2 ah kaddib 120 daqiiqo, waxaana Portugal ugu dambeyn guusha ku qaadatay rigooreyaal 5-3 ah.
Weeraryahanka Spain, Alvaro Morata, ayaa ka khasaariyay kooxdiisa rigoore muhiim ah intii la tuuranayay rigoorooyinka.
Vinicius Junior, oo haatan xiran lambarka 7-aad ee caanka ah ee uu Ronaldo u xirtay Real Madrid, ayaa Instagram-kiisa ugu jawaabay sawir uu Ronaldo kaga soo muuqday dabaaldeggii xulkiisa.Vini wuxuu soo qoray:
“Mid guusha U saaxiib Ah”
Vinicius ayaa si cad u muujiyay tixgelinta iyo taageerada uu u hayo Ronaldo, kaas oo weli saameyn muuqata ku leh kubadda cagta caalamka inkastoo uu ka tirsanyahay da’yarta ugu waaweyn garoomada.