HomeCiyaaraha“Waa doqomo iska hadla” Garsoore Marciniak oo si kulul uga jawaabay eedeymihii...

“Waa doqomo iska hadla” Garsoore Marciniak oo si kulul uga jawaabay eedeymihii Barcelona

XIGASHO LAACIB.NET

Garsooraha kulankii Inter Milan iyo Barcelona, Szymon Marciniak, ayaa si kulul uga jawaabay dhaleeceynta uga imaaneysa tababaraha Barca Hansi Flick iyo ciyaartoydiisa kadib guuldarradii ay kala kulmeen Inter Talaadadii.

Barcelona ayaa si joogto ah u cambaareyneysa qaabkii uu Marciniak u maamulay ciyaarta, iyagoo sheegay in go’aannadiisa ay si toos u saameeyeen natiijada ciyaarta. Hase yeeshee, markii la weydiiyay aragtidiisa ku aaddan hadallada Flick, Marciniak wuxuu yiri: “Hadallada ay sameeyeen Flick iyo ciyaartoydiisu waa kuwo nacasnimo ah. Maxaan ka dhihi karaa hadallo doqonnimo ah? Anigu ma dhaawicin qofna.”

Markii dambe waxaa sidoo kale la weydiiyay aragtidiisa ku saabsan baaqii uu Pedri u jeediyay UEFA si loo baaro qaab-garsoorkiisii, wuxuuna si qosol ah uga jawaabay: “Waan u furanahay wax walba.”

Kooxda Barcelona waxay si xooggan u aaminsan tahay in haddii garsoorku caddaalad noqon lahaa ay si sahlan u garaaci lahaayeen Inter. Balse Marciniak wuxuu rumeysan yahay in Barca ay kaliya yihiin koox guuldarro xumadeed la ildaran.“Waa Doqomo Iska Hadla” Garsoore Marciniak Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeymihii Barcelona

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -