XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah, ayaa sheegay inuu rajeeynayo in uu maalin uun ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo ku sababeynaya inuu doonayo inuu kaga farxiyo dadka dalkiisa.
Salah, oo 32 jir ah, ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Reds, isagoo dhaliyay 33 gool isla markaana caawiyay 23 kale 49 kulan oo uu u saftay kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot.
Xiddigan reer Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka 20-aad ee Liverpool, laakiin ka haritaanka tartamada Champions League iyo Carabao Cup ayaa dhabar jab ku noqday fursadiisa ku aaddan Ballon d’Or.
Isagoo la hadlayay majaladda France Football, Salah ayaa yiri: “Ma aha wax aniga igu xiran, balse si cad, waxaan jeclaan lahaa inaan maalin uun ku guuleysto Ballon d’Or – dadkayga darteed.”
Salah ayaa sidoo kale xusay sida ay riyadiisu ku dhalatay markii uu yimid Anfield: “Markaad ka timaaddo tuulo ku taal Masar adigoo ilme ah, way adag tahay inaad ku riyootid Ballon d’Or. Markii aan imid Liverpool, waxaan bilaabay inaan si dhab ah uga fikiro, laga yaabee maalin uun… Laakiin xitaa haddii aanan ku guuleysan, xirfadeyda weli waxay ahaan doontaa mid guuleysatay.”