JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Tuulada Baarey oo ku dhaw Magaalada Jowhar ayaa la soo heegayaa in xalay saq dhexe uu wabigu ku fatahay kaasoo ilaa hada inta la ogyahay aan geysan khasaare nafeed.
Wararku waxay tilmaamayaan in maamulka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabele iyo shacabka ay iska kaashadeen inay xiraan halka wabigu ka soo futaacay.
Gudoomiyaha Magaalada Jowhar Cusmaan Maxamed Mukhtaar ayaa saxaafada u sheegay in ka maamuk ahaan iyo shacaba ay dadaal wada muujiyeen ,wadaniyad muujiyeen, ugu dambeyna ay ku guuleysteen inay xiraan halka wabigu ka soo fatahay.
“xalay saq dhexe sagaalkii saac ayuu wabigu so fatahay anagana saaka barqadii ayaan ku soo baxnay waana lagu guuleystay in la xiro”ayuu yiri Gudoomiyaha
Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale sheegay in deegaanada dariska ah gurmad soo sameeyeen.
Biyaha soo fatahay waxay khasaare gaarsiiyeen ilaa 100 JHiktar oo beero ahaa mana jirto wax khasaare nafeed ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM