Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada u dhexeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo qaar ka mida Xildhibaanada ayaa waxaa maanta ilaa caawa socota isku jawaabid.
Caawa waxaa shir jaraa’id qabtay xildhibaanada mucaaradka kuwaasoo ku eedeeyay gudoomiyaha inuu maanta ciidamo u isticmaalay hadana isla caawa waqti danbe waxaa warqadi ka soo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe kaasoo uu xildhibaanada ku kacsan ka joojiyay shirarka.
Hadaba warka Gudoomiyaha ayaa sidan u qornaa:-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha sababo amni dartood, asiga oo sidoo kale Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inuu talo bixin iyo talaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.