MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta baraha bulshada hadal heyn xoogan uu ka dhaliyay hadal kooban oo maanta ka soo yeeray siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame kaasoo uu kaga hadlay amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
C/raxmaan C/shukuiur ayaa salaadii khudbada masaajid uu ku tukaday kadib wuxuu ka dhawaajiyay in masaajidkaasi kaliya uu amni ku heysto islamarkaana uusan masaajid kale oo Muqdisho ku yaal ku tukan karin madaama alshabaab ay qaraxyo ka hortaagan yihiin sida uu warka u dhigay.
“masaajidkaan ayaan maanta ku soo tukanay laakiin masaajida kale caadi uguma tukan karno ,maxaa yeelay argagaxisaa waxay la fadhidaa qarax iyo mushkilo”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur Warsame.
Markii hadalkaasi ka soo baxay siyaasigaan waxaa aad uga fal celiyay bulshada kala duwan ee baraha bulshada isticmaasha ee Soomaalida ah iyadoo inta badan lagu dhaliiay sida uu siyaasigaani u suurad xumeedyay Muqdisho oo tan iyo Dowladii dhexe wixii ka danbeeyay ku jirta markii ay ugu amniga fiicneyd.
Eeryada dadku ku dhaliilayeen siyaasigaan waxaa ka mid ahayd in hadalkiisu taageere u yahay kooxda Alshabaab kana soo horjeedo wiilasha furimaha dagaalka ku jira ee dhiigooda u hurey amniga dalkoodam iyo dadkooda.
Hadaba halkaan ka daawo hadalka siyaasigaani :-