HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Gaza

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Gaza

In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama la la’yahay ka dib markii ay Israa’iil weerartay dhismo ay deggan yihiin oo ku yaalla waqooyiga Qaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 29 carruur ah iyo dad waayeel ah oo ku dhintay maalmihii la soo dhaafay Gaza loo diiwaan geliyay “dhimasho la xiriirta gaajo”, kumanaan kalena ay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan.

Israa’iil ayaa duqeymo ka geysatay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo bariga dalka Lubnaan, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan hal qof, taasoo lagu tilmaamay weerarradii ugu cuslaa tan iyo markii xabbad-joojin ay la gaartay Xisbullah bishii November.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 53,822 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 122,382, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

SOURCE ALJZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -