Qoys ka kooban 10 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri Khan Younis saaka aroortii ka dib markii ilo-wareedyo caafimaad ay sheegeen in ugu yaraan 34 qof lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee guud ahaan Gaza maanta.
Warbaahinta ku hadasha afka Xuutiyiinta ayaa ku warameysa in duqeymaha Mareykanka uu ka geystay dekedda Ras Isa ee gobolka Xudeyda ee dalka Yemen ay ku dhinteen ugu yaraan 58 qof ayna ku dhaawacmeen 126 kale.
Koox ka kooban 12 hay’adood oo gargaar ah ayaa sheegay in Gaza ay tahay “mid ka mid ah guuldarrooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun ee jiilkeena”.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,065 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,505 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM