Ilo dhanka Dowladda Turkiga oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sahminta batroolka iyo gaaska ee ay Dowladda Turkiga ka waday badda Soomaaliya uu haatan gebogebo ku dhaw yahay, xogta laga helayo baaritaanka horudhacana uu muujinayo :
– In saddexdii ceel labo kamid ah baaritaankooda la dhameeyay, halka midka saddexaadna uu haatan socdo.
– In boqolkiiba 90 baaritaanka la sameeyay uu muujinayo in Gaas ganacsi noqon karo laga helay labada ceel.
-In dhameystirka ceelka saddexaad uu qaadan karo ilaa bisha sideedaad ee saandkan.
-In halkii ceel ay suurtagal tahay in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ganacsi ah.
-In nooca gaaska iyo qiyaasta rasmiga la ogaan karo marka :
– Celasha afka laga dilaaciyo
-Iyo marka xogta baaritaan ee 3D lagu soo qiimeeyo sheybaarada gaaska iyo shidaalka.
W/Q: Wariye Bashiir Maxamed Caato
