NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta warsaxaafadeed isla soo saaray inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya kuwaasoo isugu jirey madax hore xilal sar sare dalka uga soo qabtay.
Siyaasiyiintaan warka isla soo saaray oo 16 gaaraya ayaa waxaa u badan Ra’iisulwasaarayaashii hore ee dalka sida Xasan Cali Kheyre, Saacid Shirdoon,Rooble iyo kuwo kale.
Warsaxaaafadeedkooda waxay ku cadeeyeen inay dhimatay Madashii Wada-tashiga Qaranka iyagoo tusaale usoo qaatay Urur siyaasadeedka uu dhistay Madaxweyne Xassan oo ay ku eedeeyeen inuu kooxeysi ka door biday doorkiisii hogaamineed ee dalka iyo diyaarinta wado lagu qabto doorasho wada ogol ah marka uu dhamaado mudo xileedkiisa.
Siyaasiyiintaan waxay sidoo kale isla soo saareen inay isugu yimaadaan kulan lagu samatabixinayo wax ay ku sheegeen kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixan yihiin 16 siyaasi ayaa sidaan u qornaa:-


