HomeWarkiiWasaarada Maaliyada Somalia oo Caalamka u soo bandhigtay warbixin sanadeed kii 2024+SAWIRRO

Wasaarada Maaliyada Somalia oo Caalamka u soo bandhigtay warbixin sanadeed kii 2024+SAWIRRO

𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢, 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚: 𝐀𝐫𝐛𝐚𝐜𝐨,𝟏𝟒-𝐌𝐚𝐲-𝟐𝟎𝟐𝟓:-Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC) ayaa maanta Magaalada Nairobi uga qeyb galay bandhigga 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒-𝐤ii 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo ay soo diyaariyeen Guddiga FGC oo uu guddomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda XFS.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabahaysay ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay Warbixintaan oo muujinaysa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dakhliga gudaha iyo hufnaanta maamul ee ilaha dhaqaalaha oo isbaddal muuqda lagu sameeyay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u go’an tahay sii wadidda ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ku saleysan maamul wanaag si loo dhiirigaliyo sare u qaadidda kobaca dhaqaalaha iyo abuuridda fursadaha lagu horumarinayo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka soo bandhigidda Warbixinta maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya ee 2024-kii oo lagu qabtay xarunta Bangiga Adduunka ee Magaalada Nairobi, waxaa goobjoog ahaa dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka sida joogtadaha uga la shaqeeya Dowladda Soomaaliya arrimaha Maaliyadda.May be an image of 2 people, people studying, newsroom and text that says "TAIDEN TAIDEN"May be an image of 4 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people, newsroom and text that says "Approaches Reu sto Reeaurce Natu.rgi Nalu. Revenuo Sharing TNIDEN"May be an image of 14 people, people studying and textMay be an image of 19 people and textMay be a graphic of text that says "FEDERAL FEDERALGOVERNMENT GOVERNMENT OF SOMALIA Somalia Financial Governance Report 2024 Strengthening Petroleum Revenue Sharing for State Building and Economic Development April2025 April 2025 BNATI TARY 00 THEWORLDBANK THE WORLD BANK IBRD IDA WORLD CaLE TANK GROUP ROU"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -