HomeWarkiiWasiir Beesha Xawaadle u dhashay oo sheegay in qabiilkiisa oo kaliya ay...

Wasiir Beesha Xawaadle u dhashay oo sheegay in qabiilkiisa oo kaliya ay Alshabaab la dagaalayaan

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle  Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa ka shifay dagaalada hada socda ee alshabaab ka dhanka ah in Beesha uu ka soo jeedo ee Xawaadle kaligood ku soo hareen dagaalkaasi isagoona ugu baaqay reeraha kale ugu yaraan inay gurmad u sameeyeen Xawaadle iyo ciidamada Xooga oo garab siiya.

Wasiirka oo maanta Moqokori gaaray ayaa ka dhawaajiyay arintaasi oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn.

Wasiirkaan wuxuu dhanka kale sheegay in dagaalka ka socda aaga Degmada Aadan yabaal ay wadaan ciidamada Beeshiisa Xawaadle iyagoona qarka u saaran sida uu sheegay inay Aadan Yabaal ka saaraan Alshabaab.

“ciidamada Macawisleyda iyo kuwa xooga dalka waxay hada ku hareereysan yihiin degmada Aadan Yabaal saacadaha soo socdana waxay u badan tahay inay xoreeyaan Aadan Yabaal”ayuu yiri Wasiir Karoore.

Warka Wasiirkaan ayaa imaanaya xili maanta Madaxweyne Xassan booqday Isbitaal Muqdisho ku yaal kaasoo ay yaalaan dhaawacyada ciidamada macawisleyda kuwaasoo intooda badan ah ciidamo u dhashay beesha Xawaadle.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -