GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay wararka sheegaya in la boobayo macdanta Puntland oo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood lagu faafiyay.
Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir wuxuu sheegay in aysan jrin wax boob macdan ah oo ay dowladda hormuud ka tahay oo puntland ka socda balse wuxuu sheegay in Puntland ay dhiirigalinayso maalgashi.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu carabka ku dhuftay in wararkaani yimid kadib markii dhawaan Madaxweynaha Puntland uu meel fagaare ah ka sheegay inay shacabka iyo Hay’adaha ku dhiiri-gelinayaan inay maalgshadaan macdanta puntland.
“maaha in dhalinyaradu dalka ka tahriibaan oo dhahaan dalka gaajaa ka jirta haddana la diido maalgashiga macdanta “ayuu yiri Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Madaxweyne Deni u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dadweynaha ayaa yiri
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM