HomeWarkiiWasiir Daa'uud Aweyd oo ka qeybgalay shirka wadamada Islaamka

Wasiir Daa’uud Aweyd oo ka qeybgalay shirka wadamada Islaamka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qayb galay Shirkii Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Islaamka iyo Ruushka ee ka dhacay magaalada Kazan, ee Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in la dhiirrigeliyo wadahadalka, iskaashiga, iyo horumar waara oo loo marayo is-dhexgalka iyo diblomaasiyadda dhaqanka.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa Madasha Kazan Forum 2025 oo ay ku kulmayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka OIC iyo Ruushka, kaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan horumarinta ganacsiga, iskaashiga dhinacyada sayniska, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo kuwo kale oo ay labada dhinac wadaagi karaan.
Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Daud Aweis ayaa sheegay in mar walba ay kordheyso baahida loo qabo isku xirka dunida iyo iskaashiga caalamiga, isla markaana dhaqanku uu yahay buundo muhiim ah oo isku xiraya dadka, dhiirrigelinayana fahamka guud, gacanna ka geysta nabadda caalamka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya, oo xubin muhiima ka ah Ururka Waddamada Islaamka ee OIC, ay la leedahay dalalka kale ee Islaamka xiriir qoto dheer oo dhinaca dhaqanka ah.
Gabagabadii, Wasiirku waxa uu u hambalyeeyay magaalada Kazan oo loo magacaabey inay noqoto Caasimadda Dhaqanka ee Dunida Islaamka sanadka 2026-ka.May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 10 people, the Oval Office and textMay be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -