HomeWarkiiWasiir Fartaag oo ka qeyb-galay shir lagu dardargelinayay howlaha Hey’adda Socdaalka+SAWIRRO

Wasiir Fartaag oo ka qeyb-galay shir lagu dardargelinayay howlaha Hey’adda Socdaalka+SAWIRRO

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Agaasimeyaasha Hey’adda ee ka kala socday maamul goboleedyada dalka, ayaa wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee gobolada dalka, lana isku waafajin lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Shirka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada adeegyada loo hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta hey’adda in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo isafgaradka ka dhaxeeya heerarka kala duwan ee maamulka, si bulshada loogu adeego si hufan,amnigana loo adkeeyo.May be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 2 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -