HomeWarkiiWasiir Fiqi " Lama aqbali karo in Alshabaab qabsadaan Xawaadlee,Muqdishana amni ma...

Wasiir Fiqi ” Lama aqbali karo in Alshabaab qabsadaan Xawaadlee,Muqdishana amni ma noqon karto inta ay halkaas joogaan”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga hadlay qabsashada Alshabaab ee Degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay amniga Muqdisho laga ilaaliyo labada shabeele sidaas daraadeed aan la aqbali karin qabsashada Alshabaab ee Degnada Xawaadleey.

Wasiir Fiqi ” Lama aqbali karo in Alshabaab qabsadaan Xawaadlee,Muqdishana amni ma noqon karto inta ay halkaas joogaan”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in  Dowladu bilaabeyso howlgal  lagu xoreynaayo labada shabelle si xamar amni u ahaato.

“Si doorashada nabad loogu qabto oo aysan u dhicin hoobiye la tuuraayo waa in ciidamadu fuliyaan howlgal labada shabelle looga nadiifanaayo Alshabaab”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka oo ka hadlayay xafladii xalay uu xilka kula wareegaayayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay duqa muqdisho inuu dagaalka ka qeybqaato oo furimaha dagaalka tago sida kuwii isaga ka horeeyayba sameyn jireen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -