MUQIDHHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu goor dhaw soo dhigay baraha bulshada wuxuu weerar ba’an oo afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada oo wasiirka ka yahay.
Wasiirka wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka inay Xafiisyada ajnabiga isku ciriirinayaan, islamarkaana ku hor cabaadayaan,wasiirka wuxuu intaasi ku daray inay mucaaradka dhamaantood ku soo ciideen dalka dibadiisa.
“Dalka ayaan sama-tabixineynaa ayay ku leeyihiin waana niman u baahan in iyaga la samataixiyo”ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Si kastaba halkaan ka akhriso warbixinta Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran:-
Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin.
Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan!
Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan.
Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!.! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!.!