HomeWarkiiWasiir Jaamac muxuu ku soo arkay Dekada Muqdisho

Wasiir Jaamac muxuu ku soo arkay Dekada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Marwo Fartuun Cabdulqaadir Faarax ayaa shalay kormeer ku tegay Dekedda magaalada Muqdisho, si ay u qiimeeyaan howlaha kala duwan ee ka socda.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu dardargalinayo howlaha muhiimka ah ee lagu hormarinayo kaabayaasha ganacsiga iyo qiimaynta tayada badeecadaha ka soo degaya dekedaha dalka.
Intii uu socday kormeerka Wasiirka wuxuu warbixin ka dhageystay Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Axmed Maxamed (Washington), oo faahfaahin ka bixiyay nidaamka shaqo ee dekedda, horumarrada la gaaray, iyo caqabadaha weli jira.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay dadaalka joogtada ah oo ay muujiyeen maamulka iyo shaqaalaha dekedda, isagoo xusay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta adeegyadeeda, casriyeynta qalabka iyo dhismaha kaabeyaasha.May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -