Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur oo dadka qaar u yaqaanaan Wasiir Jaamac ayaa soo bandhigay sedex qodob oo masiirka umadaeena taasoo ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ilaashtaan.
Wasiir Jaamac qoraalkaan oo uu baraha bulshada soo geliyay ayaa sidan u qornaaa:-
Shacabka Soomaaliyeed waa in ay feejignaadaan indhhoodana furnaadaan difaacdaanna sadexdaan qodob oo masiirkooda ku xirantahay.
1)- La dagaalanka Khawaarijta.
Waa mashruuc qaran ayna leeyihiin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, khawaarijtu hadii la jebiyo waxaa meesha ka baxaayo, baahida, horumar laanta, quusiga iyo faragelinta shisheeyaha boqolka shaar wata.
2)- In Dalkaan ay ka qabsoonto dooorasho qof iyo cod.
Waa howl Soomaali wada leedahay loogana xuroobaayo in shakhsi dad keensadeen ama shisheeye soo maalgashadey xukunka yimaado, kadibna sida aan nahay sii ahaano oo caalmaka nagu maadeestaan 4 tii sanaba mar Xalane laguugu yeero.
3)- Xoriyada dhaqaalaha.
Shacabka Soomaaliyeed ha ogaadaano sida keliya tuugsiga iyo gacan hoorsiga iyo duleysiga looga bixi karo waa inaan soo saaranaa, shidaalkeena, dahabkeena iyo dalagyadeena. Nin baahan gob ma ahan ayaa horey loo yiri.
Masraxyada kala duwan Waxaad ku arki doontaan dad si toosan iyo si dadban uga soo horjeedo iney Soomaali xargahaas iska jarto horeyna u socoto waa in shacabku ka hortago kana feejignaadaan beenta iyo barabugaandada loo maleegaayo.
Madaxweyne Hassan Sheekh wuxuu la yimid aragti sadaxdaas wax looga qabanaayo, waana waxa maanta lagu colaadinaayo, mid walbana wuxuu ka qabtey waad arki kartaan hadaad si cilmiyeysan u fiirisaan, waxaan idin leeyahay shacabkayagoow yaanan halyeeygiina hortiisa lagu xag xaganin.
Guul iyo gobanimo.