HomeWarkiiWasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga oo xilka laga qaaday iyo mid cusub...

Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray dekreeto uu wasiir ku xigenka Gaashaandhiga ugu magacaabay Idiris Cismaan Xaaji Cali.

Xilka Wasiir u xigeenka waxaa hore u hayay mudana soo ahaa Wasiir Cabditafax Qaasim kaasoo ugu dambeyn xilka laga qaaday.

Qoraal gaaban oo xafiiska Ra’isulwasaaraha la soo dhigay kaliya waxaa lagu cadeeyay magacaabista lamana yaqaan sababta magaca wasiir ku xigeenkii hore ay u soo qaadan waayay iyo walia cadeynta in xilka laga qaaday intaba.

Bilahaan danbe waxaa socday isku shaandheyn golaha wasiirada oo marba Ra’iisulwasaaruhu qaar wasiirada ka mida isku badalayay xilalka ay hayaan halka qaarna gabi ahaanba shaqada laga saarayay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -