HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland ayaa lagu beeniyay wararka sababay in reer Burco banaan bax rabashato wato dhigaan maanta kuwaasoo taayaro badan ku gubay laamiga.
Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka maamulka Somaliland Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) ayaa beeniyay wararka shacabka lagu dhex faafiyay oo sheegaya in maxaabiista la cafinayo xuska maalinta 18-ka inay ku jiraan maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laas-caanood.
Wasiir Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) ayaa daboolka ka qaaday in mudaaharaadka ka dhacay maanta Burco in shacabka la gaarsiiyay war aan sal iyo raad toona lahayn taasoo ah in maxaabiis dagaal lagu soo daray liiska maxaabiista Madaxweyne Cirro uu cafinayo munaasibadda xuska 18 May awgeed.
“ Munaasibada 18-ka May waxaa sanad kasta lagu sii daaya dadka xadhigoodu soo gaabto, kuwa aan sannado badan ku xukunayn iyo maxaabiista u xidhan dambiyada fudud oo qudha , sidaas daraadeed waa been abuur in maxaabiis dagaal la sii deynayo”ayuu yiri Wasiir Xassan Macalin
Mar uu si gaar ah uga hadlayay maxaabiista ku xiran Laas-caanood iyo kuwa ay iyaga Hargeysa ku hayaan arimahooda ayuu sheegay inay tahay mid Xukuumada u taal wadada ay mareyso sidii la isu dhaafsan lahaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
