HomeWarkiiWasiirka arimaha dibada oo ka qeybgalay shir Jaamacada carabta ay yeesheen

Wasiirka arimaha dibada oo ka qeybgalay shir Jaamacada carabta ay yeesheen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali Cabdi, ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, waxuuna gogol xaar u ahaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee lagu wado in la qabto 17-ka May.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaar garowga shir-madaxeedka, iyadoo Wasiirradu ay si qoto dheer uga doodeen xaaladaha siyaasadeed, Dhaqaale iyo Amni ee ka taagan gobolka Carabta. Sidoo kale, waxa ay xoogga saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Carbeed, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha cusub iyo kuwa isbedelka ku yimid ee saameynta ku yeeshay dalalka xubnaha ka ah ururka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iskaashiga iyo midnimada dalalka Carabta, si loo helo xalal waara oo lagaga hortagayo caqabadaha iyo duruufaha taagan, loogana shaqeeyo nabad, xasillooni iyo horumar wadajir ah.May be an image of 13 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -