HomeWarkiiWasiirka Cadaalada iyo Duqa Muqdisho oo Degmada Dayniile ka dhagax dhigay wado...

Wasiirka Cadaalada iyo Duqa Muqdisho oo Degmada Dayniile ka dhagax dhigay wado laami ah +SAWIRRO

Muqdisho, 04 May 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa si wadajir ah u dhagax dhiggay dhismaha Waddada Laamiga ee Degmada Dayniile.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu qeyb ka yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo lagu dhisaayo kaabayaasha Isku socodka Degmooyinka Gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay bulshada Degmada Dayniile in ay door ka qaataan illaalinta waddadaan, isla markaana ay isdiiwaangeliyaan si ay u qaataan shahaadada codbixinta doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa ugu mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir, suurta-gelinta in la dhagax-dhiggo waddadaan oo muhiim u ah isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha ee labada Gobol Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana hadalo ka jeediyay Xildhibaan Dayax, Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Agaasimeyaal, Nabadoono iyo Ganacsato.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 9 people and text that says "MUNAASABADDA DHAGAXDHIGGA DHI WADAP DAPOLA DAP w IGA DEGMADA DAY n SNGIN に Κι 6eл"May be an image of text that says "ሰሰፈስ MUNAASABADDA BADDA DHAGAXDHIGGA DHISMAHA WADDADA LAAMIGA DEGMADA DAYNIILE Kulmiye 04 4May,2025 May, 2025 & Dayniile Road Toukng"May be an image of text that says "ሰሰፈስ MUNAASABADDA BADDA DHAGAXDHIGGA DHISMAHA WADDADA LAAMIGA DEGMADA DAYNIILE Kulmiye 04 4May,2025 May, 2025 & Dayniile Road Toukng"May be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and newsroomMay be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people and textMay be an image of 6 people, dais and text that says "GEANAADIR GBANAADIR MUNAASABADDA DHAGAXDHIGSA A DHISMAH WADDALA MIGAGMA GMA WADDE ALI MIGA ADAYN NADDIRJALAMIGA-GHKADAYALE LE E hiye SLIMITED 04ay025 ay O4ay 04 025 Roao"May be an image of textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and text that says "GR215"May be an image of 5 people and oil refineryMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and text that says "M"May be an image of 1 person, newsroom, dais and text that says "SMAHA IILE"May be an image of 1 person, dais and text that says "SMAHA IILE"May be an image of 1 person, dais and text that says "6 MAHA LE"May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -