
” Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed “.
Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee Khawaarijta, isaga oo bogsiino dagdag ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadwga arxanka daran ee in muddo ah gumaadka ku hayay shacabkeena, isla markaana hortaagan in aan nabad iyo xasilooni ku noolaano.