HomeWarkiiWasiirka Maaliyada Somalia muxuu kala hadlay dhiggiisa Dalka Algeria+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyada Somalia muxuu kala hadlay dhiggiisa Dalka Algeria+SAWIRRO

𝗔𝗹𝗴𝗶𝗲𝗿𝘀, 𝗔𝗹𝗴𝗲𝗿𝗶𝗮:-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Algeria Mr. Abdelkrim Bouzred oo sidoo kale ah shir-gudooonka kulamada shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.
Kulanka labada Wasiir oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga arrimaha dhaqalaalaha, maadaama Dowladda Algeria ay ka mid aheyd xubnihii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.
Wasiiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa dhiggiisa Algeria warbixin buuxda ka siiyay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee la doonayo in lagu maalgaliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.May be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 5 people, table and textMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -