BALOCHISTAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Pakistan ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Bas uu kaanay dhimasho badan iyo dhaawac intaba.Â
Qaraxaan oo ka dhacay gobolka Balochistan ayaa waxaa ku dhintay 5 ardeyda ka mid ahaa halka 10 kalana ay dhaawacyo soo agareen kuwaasoo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.
Hay’adaha amniga Dalka Pakistan sida Booliika ayaa laga soo xigtay in baska ay saarnaatyeen ilaa 40 ardey xiliga basku qaraxa haleeleeyay subaxnimadii hore ee saaka oo arbaco ah.
Gobolka Balochistan ee qaraxu ka dhacay waxaa ka jira dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah kuwaasoo inta badan weeraro u geysta ciidamada Dalka Pakistan inkastoo hada qaraxaan aysan jirin ilaa iyo hada wax sheegtay inay ka dambeeyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM