whitebackground600
HomeWarkiiWeerarada Israa'iil ku heyso shacabka Gaza oo sii xoogeystay

Weerarada Israa’iil ku heyso shacabka Gaza oo sii xoogeystay

QAZA (DAYNIILE.COM)-Weerarada Israa’iil ay ku qaaday marinka Qaza ayaa sii xoogeystay, waxaana tan iyo waaberigii dilay ugu yaraan 13 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan saddex qof oo isku qoys ah.

Bisha Cas ayaa dib u cusbooneysiisay baaq ku aadan in Israa’iil ay dib u furto marinka Gaza si ay u soo gasho gargaarka bini’aadinimo, iyada oo ka digaysa in dhulka la go’doomiyay iyo la duqeeyay uu “looga tagay gaajo iyo xanuun”.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 53,119 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 120,214, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -