HomeWarkiiXaalad halis ah oo ka taagan Xeebaha Somalia iyo caruur badan ...

Xaalad halis ah oo ka taagan Xeebaha Somalia iyo caruur badan oo ku dhimatay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xaalad khatar ah laga soo warinayaa Xeebaha Dalka gaar ahaan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho halkaasoo kumanaan dad ah u dalxiis iyo dabaal tagaan maalmaha fasaxa sida Khamiista iyo Jimcaha.

Shalay oo jimco ahayd waxaa laga diiwaan geliyay xeebta Liido inay baddu qaaday caruur ka badan 6 kuwaasoo qaarna meydadkooda badu  isla shalay soo tuftay halka kuwa kalana nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Dadkii  shalay xeebaha joogay qaarkood waxay cadeeyeen in baddu lahayd jiidtaan dadka ay dhanka moolka gudaha u jiidanaysay , sidoo kale waxay sheegeen in shalay dadka badu qaaday caruur u badnaayeen.

Sidoo kale waxa laga soo warinayaa xeebata in shalay dadka qaar laga bad baadiyay iyadoo biyuhu sii wataan oo dad waa weyn ay ku jireen.

Xaaladaani oo badu mararka qaar gasho waxa ugu badan ee lagu sirmo waxaa ka mida in baddu degan tahay una egtahay sidii inay biyuhu aad u xasilan yihiin oo kale balse markaad gudaha u gasho ayaad ogaan kartaa in biyuhu kaliya kuu jiidanayaan dhanka moolka.

Marka ay xaalada nuucaas tahayna waa halis loo baahan yahay in Hay’adaha Dowladu dadka ka wacyigeliyaan ama u diidaan waqtiyadaasba in badda lagu dabaasho gaar ahaan caruur aan lala socon.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMXog: Sidee Al-Shabaab ku tageen xeebta Liido? - Caasimada Online

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -