HomeWarkiiXaalada Caasimada Liibiya oo ka sii dareysa iyo  Qaramada Midoobe oo digniin...

Xaalada Caasimada Liibiya oo ka sii dareysa iyo  Qaramada Midoobe oo digniin ka soo saartay . 

Libyan armored vehicles patrol after clashes between heavily armed militias

TRIPOLI (DAYNIILE.COM)-Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la is dejiyo, iyadoo dagaalku uu dib uga soo cusboonaaday caasimadda Libya ee Tripoli, maalin kaddib markii dhawaan la dilay hogaamiye kooxeed sare.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) ayaa Arbacadaan ka digay in xaaladda waddanku ay ka bixi karto gacanta.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liiba wuxuu ku celinayaa baaqyada ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah, shuruud la’aan ah oo laga sameeyo dhammaan aagagga oo dhan, taasoo u oggolaanaysa waddooyin nabdoon oo lagu daadgureynayo dadka rayidka ah ee ku xanniban aagagga colaada ay ka jirto.

“Weerarka iyo waxyeelaynta kaabayaasha rayidka, waxyeellada jir ahaaneed ee rayidka, iyo khatar gelinta nolosha iyo badbaadada dadweynaha waxay noqon karaan dembiyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Kuwa mas’uulka ka ah waxaa lagula xisaabtami doonaa falalkooda,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay QM.

Iska horimaadyo u dhaxeeyay maleeshiyada Rada iyo guutada 444-ta ee daacadda u ah Ra’iisul Wasaare Abdulhamid al-Dbeibah, ayaa ka dhacay goobaha muhiimka ah ee Tripoli oo ay ku jirto dekedda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo amni.

Dagaalka socda ayaa lagu tilmaamau dagaal magaalo oo ay ku jiraan dagaalo goos goos ah oo ka dhacayay goobo ay degan yihiin dadka deegaanka, isla markaana la isku adeegsanayo hubka fudud iyo midka dhexe.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -