MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflada soo dhaweyn oo loo qabtay Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Djibouti ahna guddoomiye ku xigeenka CAF, Suleymaan Waaberi.
Masuukaani oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne Xassan iyo madaxda Xiririka kubada cagta Somalia.
Fanaaniin waa weyn sida Nimcaan Hilaac ayaa xaflada soo dhaweynta ku sugnaa kuwaasoo heeso ka qaaday.
Madaxweynaha Xiririka kubada Cagta Cali Shiino ayaa ka qeybgalay xaflada iyo masuuliyiin kale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM