HomeWarkiiXamaas oo sii deyneysa Maxbuus Yuhuud-Amerikan ah

Xamaas oo sii deyneysa Maxbuus Yuhuud-Amerikan ah

GazaXamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto maxbuus u dhashay Israa’iil heysta dhalashada Mareykanka oo lagu haysto Gaza, iyadoo kooxdan ay xaqiijisay inay wadahadalo toos ah kula jirto Maraykanka sidii xabbad-joojin looga dhalin lahaa deegaannada ay dagaalladu halakeeyeen iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Falastiiniyiinta ah ee dhibaataysan.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa soo saartay bayaan Axadii , kaasoo ay ku shaaciyeen inay sii deynayaan Askariga Israa’iil Edan Alexander, oo heysta dhalashada Maraykanka.

Xamaas waxay intaasi ku dareen inay Mareykanka kula heshiiyaan sii deynka Edan Alexander inay ku badalayaan xabad joojin iyo in gar-gaarka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaarsiiyo shacabka reer Gaza.

Israa’iil ayaa xannibtay dhammaan gargaarkii gelinta Gaza, oo ay ku jiraan cunto, dawo iyo shidaal, muddo 70 maalmood ah.

Hadalka Xamaas ma sheegin goorta la sii dayn doono Alexander oo 21 jir ah, balse waxaa loo malaynayaa in 48 saacadood ee soo socda la sii deyn doono.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in ergeyga Maraykanka Steve Witkoff uu ku sugnaan doono Israa’iil maalinta Isniinta ah oo qayb ka ah heshiiska.

Ku dhawaaqista ayaa timid wax yar ka hor booqashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe toddobaadkan – oo aan ku jirin safar uu ku tagayo Israa’iil.

Trump iyo Witkoff waxay si joogta ah u xuseen arinta maxbuuska  Alexander dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -