HomeWarkiiXamsa Cabdi Barre oo booqday Magaaladii lagu soo dhisay Dowladii C/qaasim+SAWIRRO

Xamsa Cabdi Barre oo booqday Magaaladii lagu soo dhisay Dowladii C/qaasim+SAWIRRO

May be an image of 6 people and text that says "T 10 MEMORIAL EMORIAL PAIX"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.May be an image of 7 people and text
May be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people, television and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people, suit and wrist watchMay be an image of 8 people and wrist watchMay be an image of 1 personMay be an image of 10 people and wrist watchMay be an image of 8 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -