WAJEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Wajeer ee ismaamulka Soomaalida Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dilaacay cudur saf mar ah oo dad badani u dhinteen ilaa hada halka kuwa kalana ay la ildaran yihiin, waxaana lagu magacaabaa cudurkaan Kala-azar.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 25 ruux ay u dhintee ilaa hada,wuxuuna maamulka Wajeer hada wadaa dadaalo lagu wacyigelinaayo shacabka madaama cudurkaani daawayntiisa uu ka wanaagsan yahay ka hor tagiisa.
Dhaqaatiirta ayaa laga soo xigtay in cudurkaani marka uu qofka ku dhaco uu waxyeeleeyo Beerka,sanbabka iyo kelyaha oo dhamaantood ka mid ah xubnaha jirka bini’aadamka ugu muhiimsan.
Ismaamulka Wajeer wuxuu qorsheynayaa in dhamaan guryaha laga buufiyo feyruska cudurkaani si taas loo fuliyana ay tahay in dadku baneeyaan xaafadaha.
Bilihii ugu dambeeyay ayay dadka reer Wajeer ka cabanayeen cudurkaani oo Dowlada Kenya ay baaritaan ku heyso si wasaarada caafimaadku warbixin uga soo saarto waxa uu ku faafiyo,sida looga hortagi karo iyo daweyntiisaba.
Dr Cismaan Cali Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Nairobi ayaa bishii hore u sheegay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga in cudurkaani laga helo inta badan wadamada kulaalayaasha sida qaybo ka mid ah Afrika iyo qaybo ka mid ah aasiya iyo laatiin Ameerika.
Cudurka Kala-azar ama ‘eishmaniasis’ waa nooc ka mid ah ku dulnoolayaasha ‘Parasite’ xaywaanada, waana u soo gudbi karaa bini’aadamka, waxaana gudbiya ‘sandfly” ayuu yiri Dr Gaboose.
Sidoo kale ditoorka wuxuu sheegay in cudurkaani marka ugu horeeya dadka ka weeraro unugyada dhiiga oo uu saameyn ku yeesho, taasi oo sababta inuu dhiigu hoos aado oo ay keento calaamadihii dhiig la’aanta, sida daal, awoodda oo yaraata iyo inuu dhiigbax jirka ku yeesho, haddii unugyada uu saameeyo oo dhiigu kantaroolkiisu meesha ka baxo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM