MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyagoona ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiintaan waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho kuwaasoo garoonka diyaaradaha kaga hor tagay.
Xildhibaano,Siyaasiyiin, odey dhaqameeyo iyo dadweyne badan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Xassan Cali Kheyre iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaake kuwaasoo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Siyaasiyiintaan ayaa imaatinkooda si weyn loo sugayey maadama uu dalku madaxa la galay xaalad siyaasadeed oo salka ku heysa dhamaadka muda xileedka Madaxweyne Xassan.
Xassan Cali Kheyre iyo Cumar C/rashiid ayaa maalmaha socda waxaa lagu wadaa inay Muqdisho ka bilaabaan kulamo uu ka mid yahay mid ay wada qaadan doonaan siyaasiyiinta mucaaradka sida Shariif iyo C/raxmaan C/shukuur ,sidoo kale waxay kulamo la qaadan doonaan
qeybaha kala duwan ee bulshadda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



















DAYNIILE.COM



















