HomeWarkiiXildhibaan beeniyay inuu ka mid yahay kuwii madaxweynaha ugu baaqay is casilaada

Xildhibaan beeniyay inuu ka mid yahay kuwii madaxweynaha ugu baaqay is casilaada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Xildhibaanadii 103-da mudane ahaa ee xalay magacyadooda lagu soo daray xildhibaano la sheegay inay Madaxweynaha hor dhigeen dhowr qodob oo midi ahaa dalab ay hor dhigeen oo ahaa inuu casllo ayaa beeniyay inuu warqadas wax ka soo saaray.
Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu been abuurtay oo uusan qeyb ka ahayn xildhibaanada xalay warka soo saaray.
“Anigoo ah Xildhibaan Cali Maxamuud Aadan, oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS, waxaan halkan ku caddaynayaa in layga been-abuurtay oo sinaba aanan uga qayb ahayn liis ka magacyada Xildhibaanno maalintii shalay warbaahinta lagu baahiyay oo lasheegay in ay kasoo horjeedaan shirkii Madasha wadatashiga ee Muqdisho ka qabsoomay”ayuu yiri Xildhiban Cali Maxamuud Aadan.
Sidoo kale xildhibaankaan wuxuu ku goodiyay inuu sharciga la tiigsan doono kuwa ka dambeeya in magaciisa lagu soo daray howl uusan waxba kala socon.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -