MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhiban Xassan Firinbi oo mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana warbaahinta kula hadlay halka uu shirka uga socdo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wax laga weydiiyay cabsida ay ka qabaan in ciidamada Dowladu hor istaagaan shirka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Firinbi wuxuu sheegay ineysan Dowladu awoodin taasi islamarkaana mucaaradku ahayn rag lagu soo dedegi karo sida uu warka u dhigay isagoo tusaale u soo qaatay hogaamiyayaasha shirkaasi ka qeybgalaya.
” Dowladu awood uma laha inay hor istaagto shirka mucaaradka” ayuu yiri Xildhibaan Firinbi oo la hadlayay Universal TV
Hoteelka Jazeera ee shirku uga socdo ayuu sheegay inuu yahay halka dalka laga bad-baadinaayo madaama sida uu sheegay Dowladu ku fashilintay hogaaminta dalka.
“ilama aha inay ciidamadu isku dayaan in shirarkeena hor istaataan hadey isku dayaana way ku fashilmayaan raga meesha fadhiya maaha kuwo lagu soo degdegi karo waxaan ku jira madax dalka soo hogaamisay si madaxweyne hore iyo ra’iisulwasaarayaal hore”ayuu yiri Xildhibaan Firinbi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM