HomeWarkiiXildhibaan si dhab ah u sameeyay sheekooyinka Aflaanta iyo wasiir digniin culus...

Xildhibaan si dhab ah u sameeyay sheekooyinka Aflaanta iyo wasiir digniin culus u direy

Wasiiirka Arimaha gudaha iyo amniga Dowlada Kenya ayaa digniin culus ka soo saaray talaabo uu qaaday xildhibaan Kenya u dhashay kadib markii uu si dhab ah ugu sameeyay fal u qaab eg kuwii sida been beenta ah aflaanta lagu jili jirey.
Ninkaan oo ah xildhibaanka deegaan Baarlamaaneedka Juja Koimburi ayaa dhawaan ku dhaqaaqay fal isaga uu isku afduubtay si uu Dowlada ugu eedeeyo taasina waxay ka careysiisay Wasiirka amniga Kenya.
Kipchumba Murkomen oo ah Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Kenya ayaa ka digay in la sameeyo afduub been abuur ah, ujeedkiisuna yahay arrimo siyaasadeed.
“Sameyntya afduubka been abuurka waxay wax u dhimaysaa amniga qaranka”ayuu yiri wasiirka Amniga Kenya.
Wasiirka oo kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood si caro leh wuxuu ugu sheegay dhibaatooyinka ka dhalan kara sameynta afduubka siyaasadeed ee waliba been abuurka ah.
 “Afduubka waa fal dambiyeed halis ah, waliba waa sharci daro in lagu dhaqaaqo isagoo been abuur ah si dabo qaasa loo fushado” ayuu mar kale yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Kenya Kipchumba Murkomen
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -