MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shir Jaraa’id oo ay goor dhaw oo caawa ah Muqdisho ku qabteen qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ee ku kacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa eedeyn culus waxay u jeediyeen Gudoomiyahooda.
Xildhibaanada intooda badan waxay ka sinaayeen in Gudoomiye Aadan Madoobe maanta adeegsaday ciidamo isaga ka socday kuwaasoo nabad sugid u badnaa islamarkaana ay handadeen xildhibaanada iyo wariyayaasha oo qaarkood ay xireen.
Xildhibaan Jiley ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka laga dhigay Waax ka tirsan Madaxtooyada .
Wuxuu sheegay inay qorshooyin badan ay qaban lahaayeen u baajiyeen soo jeedinta madaxweynaha ee ahayd dalku dagaal buu ku jiraa laakiin sida uu sheegay hadii ay aqbalen aanu madaxweynuhu wax weyn ka qaban dagaalada .
“Madaxweyne Xaafadahaaga soo dhaaf oo dagaalka Argagixisada soo gaarsii maamulada kale” ayuu yiri Xildhibaan Jiley.
Sidoo kale Xildhibaan Xidig ayaa hadalo kulkul ka jeediyay shirka jaraa’id isagoo tilmaamay in ciidamo hubeysan si qaraabanimo ah lagu keenay maanta ay ku arkeen xaruntooda baarlamaanka.
“Ciidan Hubeysan oo qaraabonimo Baadiye looga keenay oo Nidaam darro ku socday ayuu Mr Ansax golaha soo galiyey dhibaatana u geystay Xildhibaanada iyo Wariyayaasha”ayuu yiri Xildhibaan Xidig
Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Xidig wuxuu ku faanay inuu yahay  Rug Cadaa Siyaasadeed halka Gudoomiye Aadan Madoobe uu yahay Damiin Siyaasadeed.
Xildhibaanku wuxuiu sidoo kale duray Madaxweynaha Soomaaliya isagoo sheegay iney ka shakiyeen inuu yahay kii ay doorteen.
“Madaxweynaha Shaki ayaa iiga jira ee ma yahay kii aan dooranay 15-May waxaan isleeyahay waa Artifishal,Caalamku hanagu caawiyaan qolo dhaqaatiir ah oo noo hubiya madaxweynuhu inuu yahay kii aan dooranay 15-May , malaha waxaan is leeyahay waa artifishal” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.
Sidoo kale waxaa hadlay Xildhibaan C/nuur Cali Aadan kaasoo tilmaamay in ciidamada maanta yimid xaruntooda baarlamaanka ay ahaayeen Ciidan Saandal wata oo Cidiyahooda laga dareemeyso caradii Gaduudneyd ee Baadiyaha waa sida uu warka u dhigay
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM