MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirkii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday arimaha dagaalka Dowladu kula jirto kooxda Alshabaab iyo duruufaha ciidamadu ku howlgalaan gaar ahaan mushaarka ciidamada Xoogga oo aad u yara kaasoo 200 doolar.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaalya waxay goor dhaw shikooda isku raaceen inay qeyb ka mid ah mushaarkooda ku taageeraan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta iyo Daacish.
Kadib dood ay mudanayaashu ka yeesheen arrintan , Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in guddi loo saarayo soo jeedinta qaar ka mid ah xildhibaannada ee taageerada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mida mudanayaasha mucaaradka ayaa Dowlada ku eedeeyay ineysan wax guno ah ugu talo galin macawisleyda gaar ahaan kuwa Gobolka Hiiraan oo afartii maalin ee ugu dambeysay dagaal kula jiray Alshabaab.
Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa isla maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka dad dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah,136-Xildhibaan ayaa haa u codeysay, 5 mudane ayaa ka aamustay halka mid qura uu ka diiday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
