HomeWarkiiXiligii hore ee Farmaajo iyo hadda oo Xassan joogo maxa is badalay?

Xiligii hore ee Farmaajo iyo hadda oo Xassan joogo maxa is badalay?

                   WAXAA QOREY: Siyaasi Cali Yarre Cali 
MAXAA IS BADALAY?
• Shalay dowladdu QOF IYO COD ayay rabtay, mucaaradkuna waa ka diideen.
• Shalay Jubaland iyo Puntland waa maqnaayeen, maantana waa maqan yihiin.
• Shalay mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu shirayay, maantana mowlicii Macalin Nuur ayaa la fadhiyaa
• Shariifka ayaa shalay mucaaradka hoggaaminayay maanta isla isagii ayaa hoggaaminaya.
• Shalay dowladdii jirtay waxeey wadatay Laftagareen, Guudlaawe iyo Qoorqoor, maantana waa wadataa.
• Shalay Imaaraatka ayaa Dirham bixinayay, Maantana Imaaraatkii ayaa Dirhamkii bixinaya
• Shalay dowladdu dhoolatus ciidan ayay mucaaradka ugu goodineeysay, maantana Xasan isla Jen. Odawaa ayuu wasaaraddii gaashaandhigga sawirro dhoollatus ciidan ah kula soo galayaa.
• Booliska lagu tashanayo shalay waxaa joogay janan Daarood ah, maantana waxaa jooga Janan Daarood ah — sidoo kale Asluubta shalay waxaa joogay Jen. Shub, maantana isla Jen. Shub ayaa jooga.
• Shacabku labada daraf ayuu shalay kala taageersanaa, maantana sidii ayuu u kala taageersan yahay.
• Shalay dowladdu waxeey laheyd loo joojin maayo, maantana dowladdu isla intii ayay leedahay.
Yaa sheegi kara wax is bedelay oo aan ka aheeyn Farmaajo oo madaxtooyada ka baxay saddex sano ka hor maanta oo kale 23 MAY 2022 iyo Niicdeeydii xumeyd ee Xasan ka maarmi waayay?May be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -