MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Guddiga Adaabta & Anshaxa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in la ganaaxay Ciyaaryahan hore Jabriil Xassan Fariid oo hada ka tirsan Maamulka Kooxda kubada cagta Heegan ee heerka koowaad Somalia.
oo hal sano & lacag ku ganaaxay Jabriil Xassan Fariid oo ka tirsan maamulka Kooxda Heegan.
Guddiga Adaabta & Anshaxa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Jabriil Xasan Fariid uu ciyaartii ay la lahaayeen Jenyo soo galay garoonka kadibna kubada laday.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu garsooraha ciyaarata dhex dhexaadinayay uu aflagaadeeyay,sidoo kalana u janbay.
Haddaba Guddiga Adaabta & Anshaxa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya wuxuu ku ganaaxay Jabriil Xassan Fariid inuusan ciyaaraha dibada iyo gudaha midna ka qeyb qaadan akrin mudo 1 sano ,sidoo kale waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Kun dolar-ka Mareykanka ah.
Jabriil waxaa u furan inuu xukunkaan racfaan ka qaato hadii uusan ku qanacsaneyn.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM