MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka Magaalada Muqdisho looga dhawaaqayaa Urur Siyaasadeedka ama Xisbiga Cadaalada iyo Wada-jirka ee Madaxweyne Xassan Sheekh Madaxda ka yahay kadib balaarin iyo dib u habeynta lagu sameeyay Xisbigii hore ee Madaxweyne Xassan.
Xisbigaan oo ay ku soo biireen siyaasiyiinta xilalka sare ka haya Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka intooda ugu badan ayaa u muuqda waji cusub inuu la yimid.
Xiflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhaceysa hoolka ugu weyn Muqdisho marka la eego tirada dadka uu qaado kaasoo lagu magacaabo Sahal kuna yaal isgoyska KM4.
Dhamaan Madaxda ugu sareysa Dowlada Somalia sida Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha iyo labada Gudoomiye Baaramaan ayaa ku jirta Xisbiga sidoo kale waxaa ku jira inta badan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada sida Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur-Galbeed.
Xafladaan waxaa lagu wadaa inay masuuliyiinta Xisbiga khud-bado ka jeedin doonaan kaasoo ay kaga hadlayaan hadafka xisbigaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM