HomeWarkiiXOGTA: Cabsi laga qabo isku dhac Dowlada iyo Mucaaradka kadib Ciidamo la...

XOGTA: Cabsi laga qabo isku dhac Dowlada iyo Mucaaradka kadib Ciidamo la sheegay in Muqdisho lagu soo daadinayo

Maxaan ka ognahay ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia? - BBC News  SomaliMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isasoo taraya warar hoose oo sheegaya in Dowlada Somalia soo saareyso go’aamo amni oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho dhaq dhaqaaqyada mucaaradka ay ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Go’aamada Madaxtooyada ka soo baxaya ayaa la xiriira amniga Muqdisho iyo xakamaynta gaadiidka dagaalka ee laga yaabo in ay isticmaalaan musharixiinta Mucaaradka ku ah Dowlada waana halka cabsida weyn ka jirto in isku dhac uu ka dhasho.
Wararka la helayo waxay sidoo kale sheegayaan in go’aamadaani ay ka mid yihiin in ciidamo Milateri  oo Dowlada ka tirsan ay la wareegi doonaan isgoysyada Magaalada Muqdisho taasoo sidii xukunkii Farmajo keeni karta isku dhacyo Dowlada iyo mucaaradka.
Xaaladaha nuucaan ah iyo go’aamada qaar ee halista amni ka keeni karta ayaa badana dhaca xiliyada kala guurka ee Dowlad kasta dhamaadkeeda la dareemo.
Talaabooyinkaan Dowlada Xassan Sheekh qaadeyso ayaa ku soo aadaya xili beri oo jimco ah ay mucaaradku  uu u dhamaan doono shirkooda shalay soo bilowday iyadoo laga filayo inay  soo saaraan war murtiyeed ka dhan ah Dowlada Xassan sheekh eer waqtigu ka sii dhamaanayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -