HomeWarkiiXOGTA: Cadeymo loo helay in Dowladu shacabka ku qasbayso qaadashada kaarka doorashooyinka 

XOGTA: Cadeymo loo helay in Dowladu shacabka ku qasbayso qaadashada kaarka doorashooyinka 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Inkastoo Musharixiinta Madaxweynaha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Xil.Shariif Sh.Axmed ay labaduba warbaahinta la wadaageen eedeyn ahayd in Dowladu ku qasbayso shacabka inay qaataan kaararka doorasha ayaa hadana waxaa soo baxaya cadeyma arinkaasi muujinaya.

Shaqsi baraha bulshada caan ka ah ayaa si lama filaan ah loogu arkay baraha bulshada isagoo sharaxaad ka bixinaya in xoog loo adgeesaday inuu qaato kaarka is diiwaangelinta inkastoo askari yaqaan uu ka celiyay iyadoo la qasbayo.

Catoosh Yarre oo ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah baraha bulshada ayaa ka soo muuqday bartiisa facebook isagoo cadeynaya in ciidamo Dowlada ka tirsan ay qabteen kadibna ku amreen inuu qaato kaarka doorashooyinka oo magaciisa si xoog ah lagu diiwaangeliyo.

“Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka waxaan rabaa inaan weydiiyo kaarka doorashada qasab miyaa in muwaadinka uu qaatomise maaha, anigoo baaba catoosh yare ah ayaa askar dhar cad isku dayeen inay qasab la igu siiyo kaarka laakiin askari i yaqaan ayaa iga celiyay”ayuu yiri Catoosh

“sharciga doorashada waxaa ku qoran in muwaadinku xor yahay hadana waxaan aragnaa adoo lugeynaya in qoorta lagaa soo qabanaayo”ayuu mar kale yiri Catoosh

Hadadaba cadeynta oo buuxda halkaan hoose ka daawo:-

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -