WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi xalay ay ka dhacday fal aad u naxdin badan.
Deegaan aad ugu dhaw Magaaladaan ayaa waxaa lagu dilay xa;ay 3 ruux oo shaca ah kadib weerar ay soo qaadeen maleeshiyaad hubeysan xili loo fadhiyay xurguf laba qoys oo derisa ka dhaxeysay.
Sida ay sheegtay idaacada Kulmiye waxaa malmihii ugu dambeysay jirtay xiisad u dhexeysay laba qoys oo isku dhawaa taasoo sababtay in labada reer midkood dad laga dilay.
Xalay iyadoo labada reer la isa soo hor fariisiyay loona fadhiyo in la heshiisiiyo oo ayba socotay is gacan qaadka labada dhinac ayaa waxaa si kadis ah weerar usoo qaaday maleeshiyo ku heyb ah qoyska hore dadka looga dilay halkii ayayna is rasaaseyn hor leh ka bilaabatay markii wada hadalkii lagu kala cararay.
Inta la ogyahay 2 ruux ayay dileen kooxdii weerarka soo qaaday halka iyagana mid laga dilay taasoo tirada guud ahaan dadka halkaasi ku dhintay ka dhigtay 3 ruux oo hooyo iyo wiilkoodu ka mid yihiin.
xiisada ayaa hada xirka isku sii shareertay madaama wada-hadalkii loo fadhiyay ay maleeshiyaadkaasi qash qashaadeen.
lama yaqaan sida ay waxgaradka iyo maamulka meesha ka jiray u xalin karaan xiisada labadaasi qoys ee walaalaha ah ka dhex taagan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM