HomeWarkiiXOGTA: Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Gud.Xamarweyne iyo masuuliyiinta Gobolka Banaadir

XOGTA: Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Gud.Xamarweyne iyo masuuliyiinta Gobolka Banaadir

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dagaal siyaasadeeed oo aan waxba la isula harin ayaa ka dhex qarxay Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo hada banaanka u soo baxay.
Khilaafkaan iyo dagaalkaan oo baraha bulshada ku dhexmaraya labada dhinac ayaa qarxay markii Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne uu ku eeddeeyay madaxda maamulka Gobolka Banaadir in mashruuc laami dhisid ah oo Xamarweyne ay lahayd in loo weeciyay Degmada Kaaraan halka Maamulka Gobolka Banaadir-na sheegeen in mashruuca muqdisho oo dhan laga hirgelinayo balse la kala hor-mariyay oo kaliya.
Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne wuxuu  madaxda gobalka ku eedeyay Takoor, faquuqid, Cadaalad darro iyo in Mashruucii Bangiga Aduunka ee dhismaha waddooyinka degmada Xamar Weyne loo leexiyay Dayniile sida uu baraha bulshada ku soo qorey.
Hadalka Gudoomiyaha Xamarweyne waxaa markiiba ka jawaabay Guddoomiye Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir kaasoo ku canaantay Gudoomiyaha Xamarweyne inuu ka laabto hadaladiisa islanmarkaan raali gelin ka bixiyo.
Masuulkaani Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu u sheegay Gudoomiyaha Xamarweyne in mashruuca in Dayniile in laga bilaabo uu amreen Madaxda ka sareysa oo uu ula jeedo duqa Muqdisho.
Si kastaba Baraha bulshada ayaa loo soo dusiyay qoraalo ay guruubyada isku dhaafsadeen Gudoomiyaha Xamarweyne iyo gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of ticket stub and textMay be an image of textMay be an image of text that says "G/kuxigeenka Howlaha Guud Gudomiyaha Xamar Weyne Halka ay ahayd in shacabka shacabka Soomaaliyeed maanta ay arkaan degmada Xamar Weyne laga bilaab... 3 Mudane Gudoomiye Sida aad sheegtay maahan wax is daba marin ahna majirto xaashaa lilaahi Howlo farsamo oo inaga naga baxsan ayaa jirto dadaal badanna waan kasameeynay hase ahaatee gudoomiyow kow iyo shan maxey is dhaamaan. aan isaga imaano 14:53 In eedeyn intaas la eg iyo gaf aad inoo geysato inaga oo waqtigeena ugu badan gelinay xamar weyne Waa nasiib daro ee warkaas raali gelin kabixi. 14:54"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -