MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida ay noo sheegeen dadka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho Dowlada Somalia ayaa la wareegtay dhulka siliga Towfiqi loo yaqaan ee Dowladu hore u lahayd balse mudo 30 sano ka bdan ay deegeen sadeen Qosyas Soomaaliyeed iyadoo ilmihii ku dhashay maanta badankood 30 jiro ku dhaw yihiin walina ilaa hada lagu ilma dhalayo.
Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Dowladu ku dul iibsatay dadkii halkaasi deganaa waliba dadka degan badankood lacagahooda ayay ku iibsadeen dhulkaasi, inkastoo dhul dowlo inuu yahay la ogaa hadana dadku si caadi ah ayay ukala iibsanayeen qaarkoodna saro ayayba ka dhisteen.
Inta la ogyahay dadka halkaasi degan badankood si caadi ah ayaa looga iibsaday iyadoo dhowr iyo labaatan sano ka hor rubac boos-ka lagu bilaabay in lagu kala iibsado 100 doolar oo kaliya halka nus booskana laba jiraab lagu kala iibsanayay xiligaasi hore oo ku aadan sagaashanaadkii walow hada 15-kii sano ee ugu dambeysay kumanaan kun doolar lagu kala iibsanayay.
Xogtu waxay intaasi ku dareysaa in Dowladu booskiisa siisatay 16-kun doolar islamarkaana dadka kala bar lacagahaaasi laga hor-marsaday,arinta la yaabka leh ayaa ah in durba dowladu lacagaheeda shubatay, dadka ay ka iibisayna ay wado sharci u sameyntooda xili boqolaal qoys oo mudo badan ku dhaqnaana ay wali degan yihiin.
Arinta kale oo la yaabka leh ayaa ah in qoysasna ay degan yihiin, kuwo cusub oo iibsadayna ay sugayaan inay dadka degan la barakaciyo kadibna iyaga lagu wareejiyo si ay u dhistaan.
Wararka aan helnay waxay sidoo kale sheegayaan in Dowladu waqti hore ay ugu qabatay dadka dhulkaasi degan uu ka dhamaaday islamarkaana maanta loo tagay laguna wargeliyay in 14-ka bishaan la burburin doono dhulkaasi sidaas daraadeed ay alaabtooda la sii baxaan.
Guud ahaan qoysaska degan halkaasi waxay u badan yihiin kuwo reer tabareed ah markii Dowladii kacaanka ay dhacday lacago yar ku helay meesha ay hada degan boqol ilaa 200 doolar oo kale balse mudo halkaas deegansanayay xili ay caruurtii ay ku dhaleen ay badankood u koreen intii alle awlaad siiyay.
Dhanka kale waxaan meesha ka marnayn walwalka iyo walbahaarka soo foodsaaray dadka reer tabareedka ah ee ciidamadu dul taagan yihiin si ay katarabiil u dul mariyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM