Wararka ka imaanaya Dalka Sucuudiga ayaa sheegaya in Dowlada Somaliyeed ku fashilantay balan qaadkii ahaa in xujeyda la dejin doono hoteel ama hoy u dhaw masaajidka kacbada ee acmaasha lagu gudanayo.
Qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ayaa habaar ka soo ridaya kacbada kadib markii la dejiyay hotel ku dhawaad 10KM u jira kacbada taasoo aad u adkeysay in dadku si sahlan u gaaraan kacbada.
Mid ka mida xujeyda oo baraha bulshada qoraal soo dhigay ayaa bariisa Facebook ku muujiyay qaladaadka Dowlada Somalia ka gashay xujeyda madaama ay iyagu dalka iyo dadka masuul ka yihiin.
Ninkaani wuxuu Dowlada ku eedeeyay inay la xisaabtami weysay shirkadaha Soomaalida ee arrimaha adeegga Xajka loo xiray.
“maalinta Aakhiro ayaa lala xisaabtami doonaa maadaama dowladda dalka ka jirta aysan la xisaabtamin kuwa na dhibaateynaya”ayuu yiri ninkaasi xujeyda ka midka ah
Sidoo kale eedeymaha qofkaasi xaajiga ah jeediyay waxaa ka mid ah i n xujeyda Somaliyeed sanadkaani cadiban tahay lagana habaarsaday,sidoo kale wuxuu xusay in Somalia noqotay meel dhimatay
Shirkad walba waxay is weydiineysaa maxaan cunaa halkii laga fekeri lahaa ,masuuliyad iyo adeeg diimeed,isla xisaabtan waa maalinta aakhiro,waayeel iyo miskiin ayaa la dulmiyay,Allaha dhibo kuwii na dhibay”ayuu mar kale yiri qofkaasu xujeyda ka midka ah
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM