HomeWarkiiXOGTA: Duqeymo culus oo Caawa lagu laayay saraakiil sare oo Alshabaab ka...

XOGTA: Duqeymo culus oo Caawa lagu laayay saraakiil sare oo Alshabaab ka tirsan.laguna burburiyay xarumo

JILIB (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayne ee saaxiibada Caalamka ayaa la soo sheegayaa inay Caawa duqeyn xoogan ka geysteen xarumo waa weyn oo Alshabaab  ku leeyihiin duleedka Gobolka Jubada dhexe sida Magaalooyinka Jilib,jamaame iyo Sablaale;.
Meelaha duqeynta caawa lala eegtay waxaa  ka mid ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab hubka ku keydsadan taasoo dhulka lala simay sida wararka qaar sheegayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xarunta la weeraray oo ah tan ugu weyn ee Alshabaab hubka ku qarsan jireen inay gubaneyso.
Sidoo kale Magaalooyinka Sablaale iyo kunyabarow ayaa sidaas oo kale loo duqeeya,sidoo kale waxaa la duqeeyay xarun uu a socday tababar ciidamo boqolaal ah kuwaasoo Soomaali iyo ajaanib isugu jirey iyadoona qaar ka mid ajaanibta meesha ku dhinteen inkastoo tira sugan aan laga heyn.
Dhanka kale duqeymahaan Caawa waxaa lagu dilay madaxa guud ee maktabada kooxdaas kaasoo magaciisa lagu sheegay Sheikh Ahmed Nuunow (Jacfar),Sidoo kale Asad dheere oo isna madaxii Saadka ahaa  ayaa lagu dilay duqeymaha.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in lagu dilay duqeymaha madaxa amniga Daahir Taawane (Daariq).
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -