Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alshabaab gabi ahaana ku fashilmeen qorshahoodii ay ka damacsanaayeen Gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo ay wax badan u hureen sida inay ciidamadii ugu badnaa abid isaga kala keeneen gobolada kale ee dalka.
Alshabaab waxay shabeelaha dhexe soo geliyeen 3500 dagaalame kuwaasoo ay ku doonayeen inay guud ahaan Magaalooyuinka ku qabsadaan balse sidey rabeen way u noqon weysay.
Howlgalkaan oo ay ugu magac dareen xamlada shabeelaha dhexe ayay si ay uga dhabeeyaan damacooda waxay ciidamo ka kala keeneen shabeelaha hoose,bay ,bakool,jubooyinka iyo Galgaduud.
Sidoo kale inay furaan wadooyinka Bay iyo Bakool ee u xirnaa waxay qeyb ka ahayd weerarkooda Shabeelaha dhexe laakiin wax kasta hada waxay ku hungoobeen xili ay iska dhaadhiciyeen sidii Daalibaan inay ilaa caasimada saas ku qabsan karaan,Qorsayaashooda waxaa ku jirey shabeelaha dhexe kadib shabeelaha hoose kadib muqdisho.
Dagaalo culus oo ay shabeelaha dhexe ku galeen Alshabaab waxaa u suuragashay inay ku qabsadaan dhowr deegaan iyo hal degmo oo hadana maalmaha soo socda lagu wado in Dowladu guluf dagaal ku qaado si ay usoo celiyaan.
Si kastaba quburada ku xeel dheer dagaalada waxay leeyihiin damaca Alshabaab waa la hor istaagay hadana waxay qorsheynayaan inay ciidamada inta usoo hartay meelahoodii ku kala celiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM